ENGLISH  
Astaanta Dekada Seattle

Maxaa kala socda beeraha raaxada ee ay leedahay Dekadu?

XOG KU SAABSAN

Dekada Seattle ayaa leh in ka badan 44 iikar oo beeraha raaxada iyo goobaha bulshada u furan ah oo ay ku jiraan meelaha lagu wado baaskiilka iyo lugta, aagaga lagu dhaxo, goobaha soo celinta bii'ada, shabaagadaha kaluunka, iyo tagista xeebaha. Sagaal kamid ah beerahaan raaxada ayaa ku yaala aaga Duwamish River waxaadna ka helaysaa aaga biyaha dabaasha.

XAGEE AYAY KU YAALAAN BEERAHA RAAXADU?

Guji calaamad kasta si aad xog dheeri ah u hesho

AQOONSIGA DHULKA

Beeraha raaxada ee Dekada ee Seattle ayaa ku yaala dhulka dadka asaliyiinta ah. Waxaan aqoonsan nahay dhulka dadka dhaladka ah ee dadka dhulkaan nooga soo horeeyay iyo dadka wali halkaan ku nool, anagoo aqoonsan sharafta dhulkaan ay dadka Dhaladka ah ay iskugu yeeraan Duwamish iyo qoomiyadaha kale ee Coast Salish. Ayadoo qayb ka ah daraasadaan, waxaan kala shaqeyn doonaa qabiillada maxaliga ah aqoonsiga adeegyada iyo hawlaha aasaasiga ah ee lagu bixinaayo beeraha raaxada.

boos celis

TAARIIKHDA

Sanadkii 1972, codbixiyayaasha Washington ayaa u codeeyay Sharciga Maamulka Xeebaha kaasoo ka difaacaaya xeebaha gobalka dhismeyaasha caqabadaha ah. Sharciga ayaa u aqoonsaday Xeebta Baasifiga, Hood Canal, dhammaan Puget Sound, Strait de Fuca, harooyinka waawayn iyo wabiyada uuna ku jiro Wabiga Duwamish si muhiimada loo saaro gobalka oo dhan.

Sanadkii 1985, si loogu dhaqmo Sharciga Maareynta Xeebta, Dekada Seattle ayaa abuurtay baraha bulshadu ka gasho Wabiga Duwamish si loo yareeyo dhismaha ganacsiyaasha ku faafaya marinnada biyaha loona siino dadka deegaanka aag dabiici ah oo ay ku baashaalaan.

Dekada ayaa maamusha beerahaan biyaha si dadku uga kaluumaystaan, doon ugu wataan, ugu ciyaaraan, ayna ugu dhaxamaystaan habaynkii Wabiga Duwamish. Sanadkii 2007, Dekada ayaa ogolaatay Qorshaha Gelitaanka Xeebaha Seaport si looga hortago, loo ilaaliyo, loona balaarsho ilaalinta bii'ada iyo helitaanka dadwaynaha.

Si loogu dabaal dego Maalinta Dhulka ee sanadkii 2020, Dekada Seattle ayaa samaysay ol-olaha “Beeraha Raaxada ee Cajiibka ah waxay Doonayaan Magacyo Cajiib ah" kaasoo ay dadku ugu codeeyeen magacyada cusub ee lixda beerood ee ay leedahay Dekadu. Magacyadaan, oo la shaaciyay Oktoobar 2020, ayaa muujinaaya dhaqannada iyo mabaadii'da bulshada Duwamish Valley.

Sanadkii 2018 iyo 2020, arday qalin jebiyay iyo dhalinta tababarka uga jira Kooxda Shaqada ee Bulshada ee Degkada (PCAT) ayaa si xushmad leh daraasayn ugu sameeyay xarumaha iyo gelitaanka hadda ee Beeraha Raaxada ee Dekada. Dekada ayaa hadda wax ku dhisaysa daraasadaan horey loo sameeyay si loo xaqiijiyo hormarinnada mustaqbalka si loo gaaro yoolalka iyo mabaadii'da bulshooyinka Duwamish Valley.

Xog uruurinteena la xiriirtay hormarinnada beerta raaxada hadda waa xiran tahay.

Waad ku mahadsan tahay inaad fikradahaaga nala wadaagtay. Waxaan jawaabta soo sheegi doonaa dhammaadka sanadkaan.

JADWALKA DARAASADA

Jadwalka daraasada Guji sawirka si aad u balaariso